Wasiir Ka Tirsan Dowladda Federalka Oo Goordhow Muqdisho Lagu Dilay

Wasiirkii Howlaha Guud ee dowladda Federalka Soomaaliya Cabaas Siraaji ayaa caawa toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa lagu toogtay isagoo ku sugan agagaarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya, xilli uu saarnaa gaari uu isaga lahaa.

Warar soo baxaayo waxay sheegayaan in dilka Wasiirka ay geysteen ciidamo ilaalo u ahaa mas’uul kale oo ka tirsan dowladda Federalka oo isagana ku sugnaa agagaarka Villa Soomaaliya.

Alle ha u naxariiste Cabaas Siraaji ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa ee ka tirsanaa Xukuumadda cusub ee dhowaan la dhsay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here