Dhageyso Madaxweynihii Hore Ee Puntland Dr. C/raxmaan Faroole Oo Fal Waxashnimo Ah Ku Tilmaamay Dilka Wasiirkii Howlaha Guud Cabbaas Siraaji

Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole ayaa Tacsi ka diray Geeridii ku timid AUN Wasiirkii Howlaha Guud Cabbaas Siraaji oo shaley lagu dilay madaxtooyada horteeda.

Dr. Faroole oo waraysi siinayey Radio Garowe ayaa marka hore ka tacsiyeeyey ehelada, qaraabadii, xildhibaanada, xukuumada iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday wasiirkii howlaha guud ee shaley lagu hor dilay Villa Soomaaliya.

 

C/raxmaan Faroole ayaa fal waxashnimo ah ku tilmaamay in Wasiir ka tirsan dowladda federalka lagu hordilo xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here