Boqorka Dalka Sacuudiga Oo Amar Ku Bixiyey Inaan Dumarka Sacuudiga La Weydiin Maxram

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay Boqor Salmaan Bin Cabdulcazii waxaa boqortooyada Sacuudiga laga dareemay nafis la xiriiro xeerarkii iyo dhaqamadii adkaa ee lagu dhaqi jiray shacabka dalka Sacuudiga. Boqorka cusub ayaa dib u habeyn ku sameeyey sharciyo badan taasoo ay so dhoweeyeen hey’adaha xuquuqul Insaanka.

Talaabadii ugu dambeysay ee Boqor Salmaan uu u qaaday dhanka Dumarka Sacuudiga ayaa ahayd inuu meesha ka saaray shardigii ahaa in haweenka aysan Suuqa ka soo adeegan karin Maxram la’aan.

Boqor Salmaan Bin Cabdulcaziiz ayaa wareegto uu soo saaray ku amray in hay’adaha dowlada aysan maxram weydiinin dumarka adeegyada kala duwan ugu imaanaya xafiisyadooda iyo xarmaha kaleba.

War Qoraal kasoo baxay hay’ada ayaa lagu sheegay in go’aankani uu yimid kadib markii ay soo jeediyeen golaha wasiirada boqortooyada Sacuudigu iyadoo lagu duulayo xuquuqda dumarka.

Waxay Wareegtadan dhaqan galeysaa sadax bilood gudahood ah.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here