Soomaaliya Iyo Itoobiya Oo Sameyey Gudi Baaritaan Ku Sameynaayo Sababaha Ay U Guraan Wabiyada Jubba Iyo Shabeelle

Waxaa Sanadihii ugu dambeeyey si joogto ah u gurayay ama u biyo yareeynayay wabiyada Soomaaliya ee kala ah Juba iyo Shabbeelle, waxaana arintaasi looga shakiyey in Itoobiya ay biyo xireeno ku leexsatay biyaha wabiga.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar oo golaha wasiirrada warbixin ka siiyay safarkii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Itoobiya ayaa sheegay in labada dhinac ay gaareen heshiisyo dhowr ah.

Madaxda labada dal ayaa isku afgartay in Soomaaliya siyaasadeedda arrimaha dibadda looga dambeeyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa kaloo laga hadlay ammaanka xirirka Socdaalka iyo sidoo kale arin kusabsan wabiga oo gudi loo saaray.

Webiyada iyo arimaha la xiriiro waxaa uu sheegay Yusuf Garaad in labada dhinac ay isku afgarteen in loo saaro guddi arrimhaas baaritaan ku sameeya, warbixinnada diyaariya.

Dhinaca kale, Ra’isul Wasaaraha Itoobiyaha Hailemariam Dessalegn ayaa Soomaaliya siiyay deeq waxbarasho oo gaareysa 500, ardey Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in ay ka faa’ideystaan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here