Booliiska Degmada Afgooye Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Walaashiisa Oo 82 Sano Jir Ahayd Ku Gowracay Duleedka Degmadaasi (Sawiro)

Ciidamada Booliska Degmada Afgooye ayaa gacanta ku soo dhigay Nin Gawracay Walaashii oo 82 sano  jir ahayd kadib markii uu soo kala dhexgalay muran ku saabsan Dhaxal Beereed ay wada lahaayeen.

Dilka haweeneydan ayaa ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Doonweyne oo 8KM u jirta Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Afgooye ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha uu watay Bistoolad taasoo uu muddo ku dagaalamay ka hor inta aan la qabanin iyadoo ay xusid mudan tahay inuu dhaawac u geystay mid kamid ah Ciidankii ku hawlanaa soo qabashadiisa. Booliiska ma shaacinin magaca iyo warbixino la xiriiro gacan-ku-dhiiglaha ay soo qabteen.

Hoos ka daawo Sawirada gacan-ku-dhiiglaha oo ay ka muuqato sida uu ugu quweystay dhiigga walaashiisa.

Duq dad dil ah Duq dad dil ah1 Duq dad dil ah2 Duq dad dil ah3

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here