Madaxweynaha Mareykanka Ayaa Ka Hadlay Askarigii Looga Dilay Sh/hoose, Hanjabaadna U Diray Horjoogeyaasha Alshabaab

Madaxweynaha wadanka Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay askarigii shaley looga dilay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose.

Donald Trump ayaa sheegay in askarigooda la dilay isagoo gudanaayo howlihii uu u dhaartay ee ah difaaca amniga shacabka dalka Mareyknka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sidoo kale ku hanjabay inay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab ee ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Somaliya.

Dhanka kale, maleeshiyada Alshabaab ayaa howlgalkii ka dhacay deegaanka Bariire looga dilay askar fara badan iyo in ka badan 5 wariye oo ka howlgalaayey Idaacadda Kooxda Alshabaab ee Anddalus.

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here