Gudoomiyihii Degmada Kuntuwaarey Ee Gobolka Sh/hoose Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Galabta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa galabta qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allah u naxariiste  C/raxmaan Sabdow Daahir oo ahaa gudoomiyihii degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa ahaa baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo la dhigay agagaarka maqaayad lagu magacaabo Baar Italiano.

Sidoo kale waxaa qaraxan ku geeriyooday tiro ka tirsan ciidamada dowladda Federalka iyo dad shacab ah kuwaasoo fadhiyey maqaayadda la qarxiyey.

Allah u naxariiste C/raxmaan Sabdow Daahir ayaa ka mid ahaa gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Sh/hoose ee dibad-joogga ku ahaa magaalada Muqdisho kuwaasoo aysan u suurta gelin inay tagaan deegaanada xilalka ay ka hayaan sababo badan oo jiro aawgood.

Marxuum C/raxmaan Sabdow Daahir
Marxuum C/raxmaan Sabdow Daahir

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here