Madaxweyne Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho Kadib Socdaal Uu Ku Tagay Deegaano Ka Tirsan Sh/hoose

Waxaa saakey socdaal dhanka dhulka ah gobolka Shabeelaha Hoose ugu ambabaxay madaxweynaha federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray degmada Afgooye, wuxuuna halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed iyo waxgaradka degmada.

Waxgaradka degmada Afgooye ku qaabilay waxaa ka mid ahaa gudoomiyihii hore ee degmada Afgooye C/qani Boolimoog iyo dadweyne aad u farabadan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqday xerooyin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqashada degmada Afgooye kadid dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here