Munaasabad Xilka Uu Kula Wareegayo Hanti-dhowrka Cusub Oo Maanta Ka Dhacday Muqdiso

Waxaa Maanta xilka la wareegay Hanti-dhowrka cusub ee Soomaaliya Cali Abuukar Axmed. Wuxuu ninkan bedeli doonaa Nuur Faarax Jimcaale oo xilkan laga qaaday kadib markii lagu soo eedeyey dilka Wasiirkii Howlaha Guud Cabbaas Sheekh Siraaji oo todobaadkii hore Madaxtooyada lagu hor dilay.

Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo  ay ka qaybgaleen Wasiirada Maaliyadda iyo Garsoorka ayuu xilka kula wareegay hanti-dhowraha cusub Cali Abuukar Axmed.

Hanti-dhowrkii xilka laga qaaday Nuur Faarax Jimcaale oo ku eedeysan dilka Cabbaas Siraaji ayaan cagta soo dhigin Munaasabadda uu xilka kula wareegayey Hanti Dhowraha cusub, waxayna arintaan muujinaysaa heerka xanaaqiisa uu gaarsiisan yahay.

Nuur Faarax Jimcaale ayaa kadib dilka wasiir Cabbaas Siraaji warbaahinta siiyey hadal jees-jees u muuqday taaso soo dedejisay in xilka-qaadistiisa ay ku goobtaan Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Wasiirada.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here