Warar Sheegayo In Xabsiga Loo Taxaabay Hanti-dhowrkii Hore Kadib Markii Cadeymo Horudhac Ah Ay Muujiyeen Kaalintii Uu Ku Lahaa Dilka Cabbaas Siraji

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maalinimadii shaley xabsiga loo taxaabay Hanti Dhawrihii hore ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo ciidamo ilaalo u ahaa ay todoaadkii hore dileen Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabbaas Siraaji.

Xarigga Nuur Faarax Jimcaale ayaa yimid kadib markii cadeymo horudhac ah oo laga helay dilka Wasiir Cabbaas Siraaji ay muujiyeen kaalinta uu ku lahaa dilkaasi.

Cadeymaha horudhaca ah ayaa waxay yihiin in Nuur Faarax uu maalmihii la soo dhaafay dhisanaayey dhul Danta Guud oo ay lahayd Wasaarada Howlaha guud, taasi oo wasiir Cabbaas dhismihii dhulkaas oo dhexda maraya uu ka joojiyey Nuur Faarax isla habeenkii la dili doono maalinkeeda.

Waxaa ilaa hadda dilka Wasiir Cabbaas Siraaji loo soo xiray ilaa 4 qof, waxaa ku jiro ragga xiran askarigii ilaalada u ahaa wasiirka la dilay.

Dhanka kale, Xoggo aanan la xaqiijinin waxa ay tilmaamayaan in meydka wasiirka ay ka muuqdeen rasaas dhowr ah, taasoo ka dhigan in wasiirka isaga oo dhaawac ah gaariga banaankiisa lagu dhameystirey dhaawaciisa.

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya ayaa wacad ku maray in haddii kiiskani uu caddaalad ku dhamaan waayo in dalka dawladnimadiisa ay qalqal galayso.

Astaamaha hadda muuqda oo dhan waxa ay muujinayaan in dilka uu ahaa mid horey loo sii qorsheeyey, waxaase baaritaan lagu wadaa qorshe intaasi ka balaaran oo mas’uuliyiin kale lala damacsanyahay in lagu khaarijiyo.

Xigasho: Kismaayo News

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here