Wafdi Uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Uu Ambabaxay Dalka Ingiriiska(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa saakay uu dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Dalka Ingiriiska.

Waxaa madaxweyne Farmaajo ku wehlinayo socdaalka R/wasaare ku-xigeenka Mahad Guuleed, madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa wuxuu socdaalkooda ku qotomaa ka qaybgalka shirka London oo looga hadlaayo dhismaha ciidamada Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland oo ah labada maamul gobol ee gaaray heer isku-filnaasho ayaa marhore iska xaadiriyey magaalada London si ay uga qayb galaan shirka halkaasi ka dhacaayo.

Hoos ka daawo Safarka madaxweyaha iyo wafdigiisa:

Wafdiga Farmaajo

Wafdiga Farmaajo1 Wafdiga Farmaajo2 Wafdiga Farmaajo3

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here