Gudoomiye Magaalo Aflagaadeeyey Diinta Islaamka Oo Xukun Adag Lagu Riday Dalka Indonesia(Video)

Guddoomiyihii hore ee magaalada Jakaarta ee caasimadda dalka Indonesia Basuki Tjahaja Purnama ayaa maxkamad waxay ku heshay dambi ah inuu Aflagaadeeyey Diinta Islaamka(Blasphemy against Islam).

Maxkamadda waxay ku xukuntay laba sanno oo xarig ah ah iyadoo garyaqaanada ay sheegeen inuu meel fagaare ah ka Aflagaadeeyay Diinta Islaamka xilligii uu ku jiray Tartanka ololaha doorashada gudoomiyaha Jakarta.

Basuki Tjahaja Purnama oo haysto diint Kiristaanka ayaa ka dhashay Qowmiyad laga tira badan yahay oo Asal ahaan ka soo jeedo waddanka Shiinaha.

Ninkan ayaa sheegay in si qaldan loo tarjumay hadalkiisa oo uusan ula jeedin qaabka loo dhigay.

Sharciga dalka Indonesia ayaa dhigaayo in la ixtiraamo Diimaha oo aan lagu xadgudbin Muctaqadaatka shacabk dalkaasi

Indonesia waa dalka ugu balaaran wadamada Islaamka, waxaana lagu tiriyaa wadamada aan ka labolabeynin go’aanada ay qaataan.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here