Madaxii Hay’adda FBI-da Mareykanka Oo Xilka Laga Qaaday

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaley shaqada ka eryay James Comey oo ahaa Madaxii Hey’adda dambi baarista ee FBI loo yaqaano.

James Comey oo horey uga tirsanaan jiray xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa sanadkii 2016-ka ku dhawaaqay inuu ka madax banaan yahay Axsaabta siyaasadda Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa xil-ka-qaadista James Comey ku sababeeyey inuu adeegsday awood uusan sharciyad u lahayn inta uu madax ka ahaa hay’adda dambi baarista FBI-da.

James Comey ayaa wuxuu maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa baarista suurta galnimada in dalka Ruushka uu gacan ku lahaa ololihii doorashada ee uu madaxweyne ugu soo baxay Donald Trump.

Murashaxii Xisbiga Dimoqraadiga ee laga guuleystay Hillary Clinton ayaa guul darradeeda ku eedeysay Madaxa Hey’adda FBI oo Hillary Clinton ku eedeeyey inay Email gaar ah isticmaali jiray xilligii ay aheyd Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here