Booliiska Gobolka Banaadir Oo Soo Bandhigay Gacan-ku-dhiiglihii Dilay Kaaliyihii Maxkamadda Sare(Video)

Afhayeenka Booliiska Gobolka Banaadir Qaasim Axmed Rooblee oo uu agfadhiyo nin gacan ku dhiigle ah oo dilay Kaaliyihii Maxkamadda Sare ee Qaranka Mursal Cumar ayaa sheegay in dhowaan dambiilaha loo gudbinaayo Maxkamadda Ciidamada.

Gacan-ku-dhiiglaha oo ah Darawalka Taliyihii hore ee Nabadsugidda C/laahi Gaafow ayaa afkiisa ka qirtay inuu dilay Mursal Cumar, wuxuuna codsanayaa in la cafiyo isla markaasina dilkan uusan ahayn mid uu marxuumka la rabay.

Odeyaasha Beesha Murasade ee ay ka dhasheen Gaafow iyo gacan-ku-dhiiglaha ayaa ilaa hadda ku dhagga Booliiska si aan dambiilaha loogu gudbinin Maxkamadda Ciimadamada oo iyada arintan ay quseyso.

Gacan-ku-dhiigle Faarax Cali Nuur Xayle wuxuu sheegay in rasaasta ku dhacday marxuum Mursal uu u waday qof kale oo ay murmeen.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here