Dowladda Mareykanka Ayaa Ka Hadashay Dad Laga Soo Tarxiilay Mareykanka Oo Muqdisho La Keenay

Qoraal ka soo baxay Laanta Socdaalka iyo Kastamada dalka Mareykanka ayaa agu xaqiijiyey in dhalinyaro u dhalatay dalka Kenya iyo Somaliya lagu celiyey magaalada Nairobi iyo Muqdisho.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in Laanta Socdaalka Maraykanka ay dalka ka saartay toddoba qof oo u dhashay dalka Kenya iyo 67 qof oo u dhashay Soomaaliya.

Hay’adda Laanta Socdaalka ayaa sheegay inay bartilmaameedsato dadka aan sida sharciga ah ku joogin dalkan Maraykanka iyo kuwa halista ku ah Amniga Qaranka iyo Xasiloonida Guud ee dalka Maraykanka.

ICE ayaa sheegtay inay bartilmaameedsanayaan dhammaan dadka ku xadgudbay shuruucda socdaalka Maraykanka, iyaga oo xidhaya, haddii amar lagu bixiyo in dalka laga saarona ay fududaynayaan sidii dalalkooda loogu celin lahaa.

67-ka qof ee Soomaalida ah ayaa markii hore la geeyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya halaasoo looga sii duuliyey magaalada Muqdisho oo dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay inay soo degeen dadkaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here