Howlwadeenada Radio Muqdisho Iyo Wakaaladda Wararka SONNA Oo Kala Garan Waayey Sh/hoose Iyo Sh/dhexe!

Abaanduulaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya C/laahi Cali Caanood ayaa maalin dhoweyd wuxuu soo bandhigay 5 dhalinyaro ah oo laga soo qabtay deegaanada Biyo Cadde, Ceelbaraf iyo Cadale oo  ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe iyagoo jidgooyo ay u taalay halkaasi.

Website-yada Warbaahinta dowladda Federalka gaar ahaan Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Qaranka oo arintan ka hadlaayo ayaa si qaldan u daabacay warkaan la xiriiro in howlgal 5 dhalinyaro jidgooyo u taalay Sh/Dhexe lagu soo qabtay, warbaahinta dowladda ayaa warkaan u dhigtay in howlgalkaasi uu ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan degmada KM50.

Si aan wax u hubino, Waxaan xiriir la sameynay Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan inta u dhexeyso Laanta Buuro, KM50, Marka ilaa Shalambood, waxayna noo sheegeen inaysan waxba ka ogeyn isla markaasina aysan jirin dhalinyaro jidgooyo fadhiyey oo la soo qabtay.

Waxaa nasiib darro ah in Warbaahinta dowladda gaar ahaan Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Qaranka ay isku waafaqaan tabinta hal qalad, waxayna arintan muujinaysaa labo arin midkood:

  1. In shaqaalaha Warbaahinta dowladda aysan kala garaneynin gobolada dalka iyo
  2. – In Nimanka warkan qoray ay yihiin haraadiga shaqaalihii Radio Muqdisho joogay xiligii Xasan Culusow oo caan ku noqday colaad gaar ah oo uu u qabay mid ka mid ah beelaha dego gobolka Sh/hoose taasi oo uu dagaal joogto ah ku haayey 4-tii sano ee uu xilka madaxweynaha Soomaaliya haayey.

Halkan ka akhriso warka uu qoray Radio Muqdisho

Halkan ka akhriso warka lagu daabacay Wakaaladda SONNA.SO

Waxaa xusid mudan in dhammaan Website-yadii taageeri jiray madaxweyihii hore Xasan Culusow ay warkaan sidiisa ku daabaceen iyagoon iska hubin waxyaabaha ku qoran(without proof reading).

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here