Dhageyso Xildhibaan Maxaad Maxamed Ciise Oo Ka Warbixiyey Raashin Gargaar Ay Ka Qaybiyeen Gobolka Sh/hoose

Xildhibaan Maxaad Maxamed Ciise oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka maamuulka K/Galbeed ayaa warbaahinta Radio Danan  uga warbixiyey degmooyin ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay raashin ka qaybiyeen degmooyinka Afgooye, Raaxoole(Number50), Marka iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Waxaa xusid mudan in lacag dhan $3,000(Sadex kun dollar) oo ka mid ahayd lacag $8,400 ah oo loogu talo galay in raaashin loogu iibiyo shacabka abaarta halakeysay ee degmada Marka in la siiyey maleeshiyaad u dhashay beelaha Habargidir iyo Garre oo ku bahoobay barakicinta shacabka beesha Biimaal ee ku dhaqnaa deegaanka Shalambood.

Hoos ka dhageyso hadalka xildhibaan Maxaad

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here