Galmudug Oo Gaari Laga Soo Dhacay Deegaanada Puntland Ku Wareejisay Qofkii Lahaa(Sawiro)

Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay inay dib u soo celiyaan gaari Land Cruiser ah oo dhowaan lagala soo baxsaday wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaa Haweenka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi.

Taliyaha Booliiska gobalka mudug ee dhanka Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar oo munaasabad gaariga lagu wareejinaayey sheegay in gaarigan uu la soo baxsaday Darawalkii u kaxeyn jiray Farxiyo Yuusuf Xirsi isla markaasina lala soo galay deegaanada GalMudug si halkaas loogu sii iibiyo.

Dhanka kale wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaa Haweenka Maamulka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi ayaa Booliska Galmudug uga mahadcelisay talaabada gaarigeeda ay ugu soo celiyeen Waqooyiga magaalada Galkacyo oo markii hore lagala baxsaday.

Wasiirad la dhacay1 Wasiirad la dhacay2 Wasiirad la dhacay3

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here