Alshabaab Oo Rasaas Iyo Daawooyin Ka Gudoomay Madaxa Hay’adda Swisso Kalmo Ee Gobolka Sh/hoose(Xog)

Cali Cilmi oo ah Madaxa hay’adda Swisso Kalmo ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa 3 maalin ka hor Doon ku yiid magaalada Marka gaar ahaan xaafadaha Bari ee magaalada oo ay gacanta ku hayaan maleesiyada Alshabaab.

Doonta Cali Cilmi ka soo qaaday xeebaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo raray agab kala duwan oo isugu jiray Rasaas, Daawooyin iyo raashin loogu talo galay in la gaarsiiyo maleeshiyada Alshabaab ee ku sugan qaybo ka mid ah magaalada Marka iyo xeebta dheer ee isku xirto magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.

Cali Cilimi ayaa magaalada Marka kulamo kula qaatay gudoomiyaha ururka Alshabaab ugu magacaaban degmada Marka Saleemaan Timo-weyne iyo nin lagu magacaabo Yuusuf Leeri oo Alshabaab ugu magacaaban madaxa howlgelinta maleeshiyada Alshabaab ee ku sugan xaafadaha Bari ee magaalada Marka.

Saleemaan Timo-weyne iyo Yuusuf Leeri ayaa Cali Cilmi oo ah madaxa hay’adda Swisso Kalmo ee gobolka Sh/hoose ka gudoomay shixnad Hub iyo Daawooyin ka koobnayd taasoo laga soo raray magaalada Muqdisho.

Madaxa hay’adda Swisso Kalmo ee gobolka Sh/hoose Cali Cilmi oo weli ku sugan xaafadaha bari ee magaalada Marka ayaa wuxuu Sawiro iskaga soo qaaday Isbitaalka weyn ee degmada Marka iyo hareeraooda kuwaasoo uu u gudbin doono madaxda sare ee Swisso Kalmo si uu dhaqaale kale ugu helo isla markaasina u muujiyo inuu Daawooyin geeyey Isbitaalka degmada Marka.

Waxgaradka iyo Maamulka degmada Marka ee dowladda federalka Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay isku dayey in hay’adda Swisso Kalmo ay ka wareejiyaan Isbitaalka degmada Marka balse arintaasi waxaa si adag uga horyimid Cali Cilmi oo heshiis la galay maleeshiyada Alshabaab oo hadda gacanta ugu haay Isbitaalka iyo xarumaha maamulka degmada Marka.

Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha ayaa muddo ku dhow hal sano u kala qaybsan labo qaybood oo ay kala maamulaan Dowladda federalka iyo Alshabaab

(1) Qayb ay joogaan maleeshiyada Alshabaab oo ay ka mid tahay xarumaha maamulka degmada iyo Suuqa weyn ee degmada Marka.

(2) Xaafado ay joogaan maamulka magaalada iyo ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM.

Cali Cilmi oo Swisso Kalmo wakiil uga ah gobolka Shabeelaha Hoose ayey waxgaradka degmada Marka ku eedeeyeen inuu maalgeliyo maleeshiyaad iyo calooshood u shaqeysteyaal tacaddiyo iyo dhibaato kala duwan u geystay shacabka magaalada Marka.

Ali Ilmi - Swisso Kalmo officer in charge of finacing Shabab militants in Lower Shabelle Region of Somalia
Ali Ilmi – Swisso Kalmo officer in charge of finacing Shabab militants in Lower Shabelle Region of Somalia

 

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here