Roobab Daad Wato Oo 8 Qof Oo Caruur U Badan Ku Dilay Deegaano Ka Tirsan Maamulka Puntland

Waxaa la xaqiijiyey in 5 qof ay ku dhinteen Daadad ka dhashay roobabkii ka da’ay deegaanno ka tirsan deegaanada Puntland gaar ahaan gobolada Nugaal, Bari iyo Mudug.

Inta badan dadka geeriyooday waxaa u badan Carruur biyaha roobka ay qaadeen, waxaana ka mid ah labo carruur ah oo ku dhintey deegaan 120 KM u jira degmada Qandala ee gobolka Bari, labadan caruur ayaa da’dooda waxaa lagu sheegay 8-sano iyo 6-sano.

Roobabka xiliga Gu’ga ayaa si weyn uga curtay gobolada Soomaaliya iyadoo meelo badan ay ka dhaceen fatahaado dad iyo xoolo naftooda ay ku waayeen.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here