Aniga Iyo Yuusuf: Qaybtii Labaad – W/Q: Amina Muuse Weheliye

Waxyaalaha Uurkayga ka hari wayday oo aana ogayn inaan ka cafin doono oo Yusuf ii gaystay waxaa Kamid ah in anoo kujira Fasaxaygi dhalmada uu isoo waco oo dhaho aamino Imow Xafiiska marka aan dhaho Yusuf fasax baan ahayna uu iigu hanjabo inuu i eryi doono, waan ogahay in badan baa dhahaysa dal sharci leh ayay joogtaye may dacwayso Balse anaa aaminsanaa soomaalinimo oo nacayey inaan dal shisheeye isku Jiid jiidano.

Dhibtaas iyo Handadaas Soomaalinimada, Islaamnimada kafog waxaa ii sii dheeraa inuu Igu Bahdilo shaqada dhexdeeda, inuu Bahdilo Boqol Rag ah dhexdood arinkaas oo markhaatiyaal iyo maragba leh ayna markhaati u yihiin masuuliyiin maanta ogaalkay Noolaa.

Yuusuf dhaqan Islaamnimo waa ka Fogaa markii iigu danbaysay ma aqaan dabaday inuu Dabci badalan yeesha oo ilaahay baa Hagaajin kara awoodna u leh, Tacadiga shaqo waxaa ii sii dheeraa Midka Ka Fog Diinta Macaan ee Islaamka ee uu Iguka Kacay Si Guud ahaaneed ka fog anshaxa iyo Dabciga Muslimnimo balse aana rabin inaan Hoos Usii Galo hadda iyo qoraalkaan balse qoraalada danbe aan Ku cadayn Doono.

Waqtigii aan Yuusuf la shaqaynayay oo uu madaxda ii ahaa wuxuu Gaaray Heer uu naga dhex abuuro Aniga iyo Reerkayga Gaar ahaan Saygeeyga Khilaaf iyo Isku Dir Gaaray xataa inaan Kala Fogaano Ninkaygi kadib markii Yusuf Nagu noqday Shaydaan Guri Mar walba Aniga raba inuu Igu soo Reebo Xafiiska BBC-da aana u noqdo Mid U joogta Xafiiska oo Keliya.

Allaah ayaan Danbi dhaaf waydiista marwalba oo aan Soo Xasuusto Waqtiyadaas Ciilka iyo Carada aan ku qaatay arinkaas oo iga keenayey Ninka Maanta inoo ah Wasiirka Arimaha Dibadda soomaaliya anigu ma aaminsani Nin 20 Qof Maamuli Waayey Si uu u maamulayo Qaran Soomaaliyeed.

Qoraalkaan Mid Xiga waxaan Idiinku soo bandhigayaa inta jeer aan isku Dayay Inaan shaqada Ka tago oo ay I baryeen Masuuliyiin sharaf lahaa oo aan wada shaqaynaynay.

Waxaan kaloo Ku sheegi doonaa Kuna Cadaynayaa Inaan Dacwad Gabood Faleed aan Gudbin doono una Gudbin Doono Maxkamadaha Dalka UK qareenana aan qabsan doono. Arimahaas Cadaymahooda qaarkood waan Hayaa ayagoo Muuqaal Iyo Cod intaba ah, qof wariye ah Wax Walba Kafilo.

Lasoco Qaybta Saddexaad.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here