Askari Xabsi Ciqaabeed Ku Jiray Oo Isku Daldalay Xabsiga Dhexdiisa Magaalada Hargeysa

Taliska Ciidamada Militariga Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay Askari xabsi ku jiray oo is merjiyey Magaalada Hargeysa. Meydka askariga ayaa laga helay qolkii uu ku jiray oo ku yaala xerada Birjeex ee magaladda Hargeysa.

Waxaa la sheegay in askariga is daldalay uu muddo laba todobaad ah ciqaab amardiido ah ugu xirnaa xabssigaasi, saraakiisha Booliiska Somaliland ayaa sheegay inuuu socdo baaritaan lagu ogaanayo sababaha keenay inuu is dilo.

Taliska ciidamada Somaliland ayaa Beeniyey warar soo baxayay oo sheegaya in askarigaasi uu isku dilay arimo la xariiro mushaar la’aan iyo dhaqaale burbur haysto qoyskiisa oo uu biili kari waayey.

Booliiska Somaliland ayaa balan-qaaday inay soo daabici doonaan natiijada baaritaanada socdo ee la xiriiro sababaha uu xabsiga iskugu merjiyey askarigaas geeriyoday.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here