Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Casuumay Shir U Dhexeeyo Dalalka Islaamka Iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Lagu Qabanaayo Dalka Sacuudiga

Dhamaadka bishan May waxaa wadanka Boqortooyada Sacuudiga booqan doona madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dalka Sacuudiga waxaa lagu qabanayaa shir u dhexeeyo madaxweyne Donald Trump iyo madaxda dalalka Muslimiinta.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa casuumad rasmi ah ka helay boqor Salmaan Bin Cabdulcaziiz si uu shirkaas uga qayb galo.

Donald Trump ayaa la sheegayaa inuu boqorka Sacuudiga ka codsaday inuu la kulansiiyo madaxda dalalka Islaamka si xal looga gaaro arimo badan oo ay ugu horeyso Qadiyadda Shacabka reer Falastiin oo dhulkooda ay ku habsatay Israel oo taageero ka haysato dalka Mareykanka.

Sidoo kale, madaxda dalalka Islaamka ayaa Donald Trump kala hadli doono bartilmaameedsiga lagu hayo Muslimiinta ku nool wadanka Mareykanka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here