Dowladda Itoobiya Oo Dhismo Weyn Ugu Deeqday Safaaradda Somaliland Ay Ku Leedahay Magaaladda Addis Ababa(Sawiro)

Dowladda Itoobiya ayaa dhismo qurux badan siisay Safaaradda Somaliland ku leedahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Danjiraha Somaliland u fadhiyo dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuulle oo markii hore ku shaqeyn jiray Guri kiro ah ayaa hadda waxay safaaraddiisa u soo guurtay dhismaha cusub ee dhowaan la yagleelay.

Dhanka kale, Somaliland ayaa sharci cusub oo Dal-ku-gal ah (Visa Regulation) ku soo rogtay dadka Soomaaliyeed ee Midowga Yurub ka soo safraayo ee haysto Alien Passport (Travel Documet). Xafiisyada Shirkadda Diyaaradda Flydubai ee dalalka Yurub ayaa ku wargeliyey macaamiishooda u safraayo Somaliland ee haysto Allien Passports-ka inay soo qaataan Somaliland Visa.

Ayuub_Orphans1 Embassy of Ethiopia in Addis Ababa2

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here