Maamulka Gobolka Sh/hoose Iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey Oo Ka Shiray Dhismaha Wadooyinka Gobolka(Sawiro)

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay kulamo la qaateen hay’adaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Fulinta Mashaariicda Horumarinta.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Najax ayaa sheegay inay hay’adahan ka codsadeen  dib ugu dhiska Wadada Isku xirto Afgooye iyo magaalada Mogadishu oo ah marinka rasmiga ah ee uu maro dalagga ka soo go’o gobolka Sh/hoose ee loo iibgeeyo magaalada Muqdisho iyo meelaha kale.

Hay’daha ay la kulmeen maamulka gobolka waxaa ka mid ah USAID, US Agency for International Development, iyo AFRICAN DEVELOPMENT BANK, waxay hay’adahan qaarkood  balan qaadeen sida uu sheegay gudoomiye Najax inay gacan ka geysan doonaan dib udhiska jidka isku xiro Muqdisho iyo Afgooye.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose1 Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose2 Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose3

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here