Boqorka Salmaan Bin Cabdulcaziiz Oo Dhalashada Dalka Sacuudiga U Ogolaaday Dr. Zakir Naik

Dr. Zakir Naik oo ah Daaci iyo aqoonyahan caan ka ah dunida Muslimka isla markaasina ah Aasaasaha Peace TV ee luqadaha badan ku hadlo ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyey saarnaa culeys kaga imaanayey dalka uu u dhashay ee India.

Dowladda India ayaa Dr. Zakir waxay ku soo eedeysay inuu Macalin u yahay Argagaxiso caalami ah oo khalkhal amni ku haayo dalkaasi iyadoo Booliiska Aduunka(Interpol) ka codsatay inay soo qabtaan oo ay u soo gacan geliyaan.

Sida lagu daabacay wargeystay Middle East Monitor, Dowladda Sacuudiga oo uu dalkeeda ku noolyahay Dr. Zakir ayaa waxay u ogolaatay inuu qaato Baasaboorka dalka Sacuudiga si uu uga badbaado Interpol.

Dowladda India ayaa la sheegay inay Jinsiyada kala noqotay wadaadkan si ay ugu qasabto inuu dalka India dib ugu laabto oo loogu qaaday dacwada loo haysto.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here