Dowladda Sweden Oo Ka Laabatay Dacwaddii Ay U Haysatay Aasaasihii Shabakadda WikiLeaks Julian Assange

Julian Assange oo ah Aasaasaha shabkadda WikiLeaks ee faafiso warbixinada sirta ah ayaa waxaa dacwado kala duwan u haysto dowlado badan oo mid walbo u jartay warqad lagu soo xiraayo(Warrant of Arrest).

Dawladda Sweden oo ka mid ahayd dowladaha dacwada u haystay Julian Assange ayaa ka laabatay dacwaddii ay u heysatey taasi oo ahayd kufsi la sheegey in uu u geystey haweeney u dhalatay dalkaasi Sweden.

Julian Assange oo shaley shir jaraa’id ku qabtay safaaradda Ecuador ee London ayaa wuxuu sheegey in ka-laabashada(Revoke of Warrant Arrest) Sweden ay ka laabatay dacwadii isaga ay u haysatay ay tahay guul weyn oo usoo hoyatay Xisbigiisa.

Mr. Assange ayaa u mahadceliyey Qaramada Midoobey iyo dowladda Eqador oo safaaradeeda  London uu magan-galyo ahaan(Asylum seeker) u degan yahay.Wuxuu sheegey in wixii ku dhacay isaga aysan ahayn wax uu cafin karo ama hilmaami karo isagoo hadalkiisa sii raaciyey in muddo 7 sano ah uu ku jiro xabsi guri islamarkaasina aanan qoyskiisa waqti la qaadanin.

Julian Assange waa nin u dhashay dalka Australia oo si fiican u yaqaano adeegsiga Aaladda Computerka(Computer Programmer), waxaa ka qalin jabiyey jaamacadaha Central Queensland UniversityUniversity of Melbourne iyo University of Canberra.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here