Maleeshiyaadkii Maalin Hore Khalkhalka Geliyey Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federalka Oo Loo Soo Wareejiyey Gobolka Sh/hoose

Labo maalin ka hor waxaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhgga dowladda Federalka la wareegay ciidamo hogaankooda uu gacansaar la leeyiahay siyaasiyiin magaalada Nairobi uga dhawaaqay Kutlada Horusocod isla markaasina si ba’an u dhaliilsan dowladda madaxweyne Farmaajo.

Ciidamadan oo intooda badan ka soo jeedo beesha Hawiye gaar ahaan beelaha Habargidir iyo Abgaal ayaa waxay ku mideysan yihiin Qaybta 12-ka April ee ciidamada dowladda Federalka.  Sida lagu bartay xiligii madaxweyne Xasan Sheekh waxay ciidamadan u howlgali jireen qaab beeleed iyagoo dhowr jeer ka qayb qaatay duulaamo lagu baabi’iyey deegaano ka tirsan gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe.

Sida ay sheegeyso xog aan helnay, kadib waan-waan dheer oo uu garwadeen ka ahaa Abaanduulaha ciidamada DF General C/laahi Cali Caanood, maleeshiyaadkan waxaa dhibkooda loo soo xawilay gobolka Sh/hoose iyagoo loo qaybiyey degmada Afgooye iyo Balli-doogle.

Saraakiil ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo aan arintan ka wareysanay ayaa inoo xaqiijiyey in maleeshiyaadkaasi la soo xawilay dhaqdhaqaaqooda laga dareemayo degmada Afgooye.

Qaybta 12-ka April ee uu horjooge u yahay C/laahi Cismaan Cagey waxay gacanta ugu jiro inta badan gaadiidka dagaalka ee DF iyo hubkii dowladda federalka loogu deeqayey dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here