Maamulka Jubbaland Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Xildhibaanada DF Ee Nairobi Kaga Dhawaaqay Madasha Horusocod

Jubbaland ayaa si adag u cambaareysay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka faderaalka oo dhowaan dalka Kenya uga dhawaaqay madal ay ugu magac darreen “Madasa Horusocod”.

Madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xildhibaannada Kenya ku shiray ay yihiin kuwo ka soo horjeeda horumarka Soomaaliya oo caqabad ku ah in dowladdu gudato waajibaadkeeda.

“Waxay la baxeen kutlad la yiraahdo Horusocod laakiin umadda Soomaaliyeed waxay u turjuntay horumar diid, marka waa in ay u fahmaan sida ay umaddu u garatay in ay u gartaan oo ay ka noqdaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee caqabad ku noqon kara dowladda federaalka, cidda loo dhiibtayna in lala xisaabtamo u diidi karta.” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadam.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka baxsan ka socday shirar looga soo horjeedo hogaanka dowladda federalka iyadoo odeyaal ka soo jeedo maamulada HirShabeelle iyo GalMudug ay bilaabeen sheegashada magaalada Muqdisho oo hadda ka soo kabsaneyso dhaawacii soo gaaray 25 sano ka hor.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here