Waxgarad Sheegay In Maamulka K/Galbeed Uu Caqabad Ku Noqday Inaan Sharciga La Horkeenin Dambileyaashii Dilay Marxuum Cabbaas Siraaji

Mid ka md ah odeyaasha dhaqanka K/Galbeed oo codsaday inaan magaciisa warbaahinta lagu shaacinin ayaa madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan ku eedeeyey inuu fududeeyey inaan sharciga la horkeenin dambiileyaashii dilay Wasiir Cabbaas Siraaji.

Dilka wasiirka waxaa geystay gaari ciidan oo ilaalo u ahaa Hantidhowrihii hore ee dowladda Federalka Nuur Faarax. Waxaa ka dhashay dilka wasiir Cabbaas Siraaji xasaasiyad weyn kadib markii baaritaan horudhac ahaa lagu ogaaday inuu jiray Muran u dhexeeyey Cabbaas Siraaji iyo Nuur Faarax kaasi oo la xiriiray dhul ay iska lahayd Wasaaradda Howlaha Guud oo uu guri ka dhisanayey Hantidhorihii hore Nuur Faarax ka hor intaan la dilin wasiir Cabbaas Siraaji.

Madaxweynaha Dowladda Federalka iyo mas’uuliyiin kale oo dilka wasiirka kadbi warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in cadaaladda lala tiigsan doono gacan-ku-dhiigleyaashii dilay Cabbaas Siraaji.

Qoyska uu ka geeriyooday marxuum Cabbaas Siraaji oo badankooda ku sugan xeryaha qaxootiga dalka Kenya ayaa dowladda Federalka ka dalbaday inay sharciga horkeento dambiileyaashii wiilkooda dunida dhaafsiiyey.

Xog la xiriirto dacwadda dilka Cabbaas Siraaji oo aan helnay ayaa tibaaxeyso in dowladda Federalka ay faraha kala baxday Kiiska dilka isla markaasina gacanta loo geliyey odeyaal Afar-jeebleyaal ah oo ka soo kala jeedo beesha Marxuum Cabbaas Siraaji iyo beesha uu ka dhashay hantidhowrka oo ay ku caddaatay inay si bareer ah u dileen Wasiir ka tirsa dowladda Federalka. Odeyaasha Afar-jeebleyaasha ah ee ka socdo beesha marxuum Cabbaas Siraaji ayaa waxaa si hoose ula shaqeynaayo madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam oo beesha hantidhowrihii hore ay ka codsadeen inuu xaliyo.

Sidoo kale, Maamulka Jubbaland oo Marxuumka la dilay laga soo doortay Jubbaland isla markaasina si weyn u dalbanaayey in caddaaladda la horkeeno dambiileyaasha laqmiyey Marxuum Cabbaas Siraaji ayaa waxaa dadaaladooda caqabad ku noqday Odeyaasha afar-jeebleyaasha ah ee hadafkooda ah inay ka macaashaan dhiigga dadka la dilo.

Waxaa bishii hore agagaarka Villa Somalia lagu dilay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Howlaha Guud ee dowladda Federalka Soomaaliya Cabbaas Sheekh Siraaji.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here