Muqdisho Oo Markii Ugu Horeysay Heli Doonto Iftiinka Dowladnimada Kadib Markii Maamulkeeda Laga Bedelay Wadadii Ay Jeexday Jabhadda USC

Maamulka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in laga qayb galiyo dhammaan beelaha ku abtirsado dowladda Soomaaliya iyadoo maamulka Banaadir min heer gobol ilaa heer degmo ay ka soo muuqan doonaan mas’uuliyiin ka soo jeedo beelaha Soomaalida oo dhan.

Kadib markii Jabhadda USC ay riday dowladdii dhexe ee uu hogaaminaayey madaxweyne Maxamed Siyaad Barre 1991-kii, waxaa magaalada Muqdisho ay ahayd goob ay sidii ay doonto ka yeeleysay beesha USC ee iyada dagaal ku qabsatay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ahaa mid hal beel gacanta ugu jiray laga soo bilaabo dowladdii Carta ilaa tii ugu dambeysay ee Xasan Sheekh Maxamuud hogaaminaayey iyadoo la xasuusto in magaalada Muqdisho milkiyadeeda ay sheegataay beeshii qabsatay.

Waxaa laga yaabaa in nidaamka beelaha ee 4.5 aan si dhab ah loo dhaqan gelinin marka la qaybsanaayo maamulka degmooyinka gobolka Banaadir maadaama beesha USC ay weli farganeyso isla markaasina ay doonayaan inay qaataan inta badan gudoomiyeyaasha degooyinka gobolka Banaadir.

Waxaa arin muhiim ah In wax laga bedelo qaabkii uu ahaa maamulka caasimadda Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa la dhihi karaa waa talaabo loo qaaday dhanka iftiinka dowladnimada.

Ciidamadii Jabhadda USC ee uu hogaaminaayey horjooge Maxamed Faarax Caydiid ayaa markii ay qabsadeen caasimadda Muqdisho waxay barakiciyeen muwaadhiniintii Soomaaliyeed isla markaasina bililiqeystay guryihii iyo hantidii shacabka Soomaaliyeed.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ku yaaliin dhammaan xarumaha dowladda Soomaaliya ayaa ah goob aanay si gaar ah u sheegan karin lahaanshadeeda beel Soomaaliyeed maadaama dadka Soomaalida oo dhan ay ka qayb qaadateen dhismaha Kaabeyaasheeda dhaqaalaha iyo weliba hantida taalo oo ah mid Soomaalida dhan wax ku leedahay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here