Magaca Iyo Dowladda Uu Ka Soo Jeedo Ninkii Magaalada Manchester Ku Xasuuqay Caruur Badan Oo La Shaaciyey

Booliiska UK ayaa shaaciyey in Salman Abedi oo 22 sano jir ahaa uu fuliyey qaraxii ka dhacay ahaa magaalada Manchester oo ay ku dhinteen 22 qof oo caruur u badnaa.

Salman Abedi oo asal ahaana ka soo jeedo dalka Liibiya ayaa waxaa uu ku dhashay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska, wuxuuna inta badan noloshiisa  ku qaatay magaalada Manchester.

Khasaaraha dhimashada ee weerarkan ayaa waxay gaartay 22 qof oo 16 ka mid ah ay yihiin carruur da’dooda ka yartahay 18 sano.

Goobta dadkan faraha badan lagu laayey ayaa waxaa ka socday bandhig faneed la qabto xiliyada laga gudbo qabowga ka jiro dalalka qaaradda Yurub.

Booliiska dalka Ingiriiska ayaa weli baaritaan ku wado sababaha keenay in ninkan ku dhashay dalka Ingiriiska uu qarax la bartilmaameedsado goob dadka ay ku kulmaan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here