Kooxda DAACISH Oo Shaacisay Aqoonsiga Iyo Qabiilka Ninkii Isku Qarxiyey Magaalada Boosaaso (Sawir)

Kooxda Daacish ee dhowaan ku soo biirtay kooxaha argagaxisada ee ka dagaalamo Soomaaliya ayaa shaacisay magaca iyo Sawirka ninkii ka dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa maalintii Talaadada ka dhaay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa Ismiidaan ayaa waxaa gaystay nin naftii hure ah kaasoo beegsaday bar kontorool oo Ciidamada nabadgelyada Puntland ay ku leeyihiin Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso.

War Muuqaal ah oo Kooxda DAACISH soo saaray ayaa waxay ninka is-qarxiyey magaciisa  ku sheegeen Abu Qudaama  oo ka soo jeeda  beesha Mareexaan islamarkaana uu ku soo barbaaray gobolka Gedo ee hoostago maamulka Jubbaland.

Ninkan naftii haligaha ah ayaa wuxuu galaaftay nolosha 4 qof oo mid ka mid ah uu ahaa askarigiii joojiyay ka hor intii uusan is-qarxin, waxaa kaloo Ismiidaaminta ku dhaawacmay 12 qof oo isugu jiray askar iyo dad shacabka kuwaasoo ka agdhawaa halka uu qaraxu uu ka dhacay.

 

Daacishi

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here