Wasiirkii Hore Ee Ethiopia Tedros Adhanom Oo Loo Doortay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka -WHO (Video)

Wasiirkii hore ee Arimaha dibada dalka Ethiopia Tedros Adhanom ayaa ku guuleystay inuu noqdo madaxa hay’ada caafimaadka aduunka ee loo soo gaabiyo WHO.

Tedros Adhanom ayaa helay 133 cod halka ninkii la tartaaayey oo lagu magacaabo David Nabarra uu helay 50 cod.

Tedros Adhanom wuxuu noqonayaa masuulkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee qabta hogaanka hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO. Xilka wuxuu la wareegi doonaa 01/07/2017

Hoos ka daawo munaasabadda lagu shaaciyey natiijada doorashada.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here