Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Wado Inuu Booqasho Ku Tago Deegaanada Jubbaland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu dhowaan booqasho ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa wuxuu horey u booqday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. booqashadii ugu horeysay

Waxa ay noqoneysaa booqashadii ugu horeysay ee uu madaxweyne Farmaajo ku tagayo magaalada Kismaayo tan iyo markii loo doortay madaxweynaha dowladda Soomaaliya 3 bil ka hor.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu Kismaayo kulamo kula qaadan doonaa madaxda maamul goboleedka Jubbaland iyo Saraakiisha ciidamada AMISOM oo dhowaan bilaabi doono howlgal ka dhan ah maleeshiyada Alshabaab.

Dalka Soomaaliya waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ka dhismay maamul goboleedyo loogu talo galay in lagu xaddido fowdadii dalka ka jirtay 25-tii sano ee dowlad la’aanta dalka ka jirtay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here