Ugu Yaraan 28 Qof Oo Masiixiyiin Ah Ayaa Maanta Lagu Dilay Dalka Masar

Dabley ku hubeysan qoryaha sida darandooriga udhaca ayaa maanta weerar la beegsaday gaari ay saarnaayeen dad Masaari oo aminsan Diinta Kirishtanka.

Weerarka lagu qaaday dadkan Masiixiyiinta ah ayaa la sheegay inuu ka dhacay gobolka Minya oo qiyaastii 220 km dhanka koonfureed kaga beegan caasimada dalka ee Qaahira.

Warar horudhaca ah oo dhacdadaas la xiriiro waxay tilmaamayaan in 28 qof ay ku dhinteen weerarkan halka qaar kale oo ay tiradooda badan tahay ku dhaawacmeen.

Kooxihii dableyda ahaa ee weerarka gaysatay ayaa goobta ka baxsatay.

Waxaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay dalka Masar kusoo badanayay weerarada lala beegsanayo Masaarida Masiixiyiinta ah ee dalka Masar.

Dadka haysto Kirishtaanka dalka waa kuwo laga tira badan yahay,waa  10% tirada guud ee dadka Masar.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here