Alshabaab Oo Xoolo Ay Beesha Biimaal Ka Bililiqeysteen Ku Iibinaayo Suuqyada Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sh/hoose

Arin murugo leh ayaa la soo daristay shacab masaakiin oo xoolahooda ay dhaceen maleeshiyada Alshabaab kadib markii xoolahooda qaarkood la gowracay halka qaarka kalena lagu arkay iyagoo lacago rakhiis ah lagu iibinaayo suuqyada deegaanada Awdheegle, Mubaarak, Jannaale iyo Tooratoorow oo Alshabaab ay maamulaan.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxay Alshabaab gobolka Sh/hoose ka dhaceen xoolo tiradooda ay gaareyso kun neef oo isugu jiray Geel, Lo’ iyo Ari. Dhammaan xoolaha la dhacay waxaa iska leh xoolaley ka soo jeedo beesha Biimaal kuwaasoo si gaar ah maleeshiyada Alshabaab u bartilmaameedsadeen.

Sidoo kale, Maleeshiyada Alshabaab ayaa la xaqiijiyey in dhowr neef oo xoolo ay ku qaleen/gowraceen Kawaanka hilibkae deegaanka Mubaarak halkaasoo ay dadka deegaanka ay uga iibiyeen, arintan waxaa xaqiijiyey dadka deegaanka.

Alshabaab ayaa xoolahan tirada badan ka dhacay deegaanada Muuri, Busley, Shalambood, Gandaawi, Ceelwareegow, Hareeriley, Sagaaroole, Nagaadiweyne, Garasweyne iyo deegaano kale oo dhammaantooda ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Waxgaradka gobolka Sh/hoose ayaa shacabka kala duwan ee gobolka Sh/hoose uga digay inay suuqa ka soo iibsadaan xoolo xaaraan ah isla markaasina waxay odeyaasha ku goodiyeen in qofkii iibsado xoolo Alshabaab soo dhaceen laga daba tagi doono goortii ay noqotaba.

SHARE

1 COMMENT

  1. ASC & Ramadaan Mubaarak Odayaal, Hooyooyin, Aqristayaal, Qoraayaal iyo Daaciyaal/Speakers,
    Waa arin naxdin leh oona aad looga xumaado in dadkeena weli xoolo ku dagaalamaan halka dunida kale ay samaawaatka u tartamayaan. Waxaan u tacziyedeehaa dadka la dhacay oo dhan waxaana aan farayaa in Illaaheey ay baryaan maadaama aad iyo aad iyo aad iyo aad loo dulmey Illaaheeyna uusan soo celinin ducada madluumiita=daka la dulmey ducadooda Illaaheey SWT wuu aqbalaa.
    Akhyaarta iyo Odayaasha ka hadleen arintaan iyo guud ahaan Beel Weynta Biimaal waxaan ku waaninaa ineysan abaarin Shacabka Soomaalida oo dulman oo lagu siraayo xoolahaan balse ay shiishtaan Alshabaab, oo beelo macluum ah dabada ka wadaan, waayo dadkaan hadafkood waa colaad dheerata oo u dhaxeysa beelaha dega Shabeelaha hoose. Colaadaasoo cadowga uu ka haminaayo guul doorasho mustaqbil ah. Waxaan ka wadaa Alshabaab iyo Beesheeda waxey rabtaa in ay dadka bara kiciso inta soo hartana cadow isku noqdaan si ay Gobolka Shabeelaha hoose ay u hantiyaan iyagoo ku han ween iney doorasho xur ah Soomaaliya ka dhacdo (inkastoo dadkeena wax garadka ah ognahay iney Soomaaliya ka dhici doonin waqtiga uu maangaabku ku tala juro doorasho xur ah oo Umada Soomaaliyeed raali ka tahay). Laakin Bal fakir hadaad garato in adiga iyo walaalkaa Liisku kiin diraayo! ma waxaad abaari qofka walaalkaa kuugu diraayo mise walaalkaa ayaad dagaal ku qaadee?
    Ogaada guul iyo xoolo waa FalluLaahi WaLLaahu Yu’Tiihi Mann Yashaa’u, WaHuwwa dulfallilCadiim(carabi Qur’aanka ku soo arooray) Waa wada taqaanaan aayadahaas Qur’aanka ah. Xasuusta Fircoon markuu Banuu Israa’iil u hanjabay waxii ka raaci iyo qatarta iyo taak darada ay Banuu Israa’iil ku sugnaayeen waqtigaas. Dadna waqtigood markuu soo dhamaado waxey ku kacaan fool xumooyin aan loo adkeesan karin. Tusaale Fircoon oo amray in wiilasha banuu Israaiil la gowraco markey saa u dhashaanba waan aragnay guushii uu Fircoon rabay iney heleen dadkii uu dulmaayi. Hitler disparaato markiis naqdi waxaas bilaawi inaas naf Illaaheey xaq u abuurtay uu foornooyin ku shido waan aragnay Hitler guul daradiisa. Hadda waa tookadii Daacish, Shabaab, BookooXaraam Iyo Beelaha wax dulma. Bal eeg waxey ku soo hoorsadeen iney goowracaan nafaan wax galabsan oo boqolkiiba 99% yihiin Muslimiin(waxaan ka wadaa dadka dulmiga lagu haayo waa Muslimiin) Dadkaan Daacish, Shabaab, Bookoo Iyo Beelaha dulmiga wada waxey ka dhigmaan adigoo gurigaaga loo soo dhacay oo midi dhuunta u saarti xaaskaa oo aad leedahay ninkaa aqalkeeyga u soo dhacey hadaadan i deynin naagtaanaa qalaa. War nacasyow ninka kuu soo dhacey wuu ku soo abaari ilaa aad xaaskaa ka gowracdid dabeetana iyaduu ku daba dhigi adoo naf la caari ah. Waxaan ka wadaa dadkaan aan sheegay waa Caduwul Islaam oo cadowga u fududeeynay in Muslimiinta la cirib tiro.
    Fii Amaani Allaahi SWT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here