Markab Xambaarsan Diyaaradaha Dagaalka Oo Laga Leeyahay Dalka Imaaraatka Carabta Ayaa Ku Soo Xirtay Dekedda Berbera Ee Somaliland

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa shaaciyey in diyaaradaha dagaalka ee dalka Imaaraadka Carabta ay ka duuli karaan saldhigga magaalada Berbera, kadibna ay duqeyn karaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen.

Wasiirka Arrimaha dibada Sacad Cali Shire oo warbaainta la hadlay ayaa sheegey in dalka Imaaraadka uu xaq u leeyahay inuu u adeegsado saldhigga Berbera howlgal kasto oo muhiim u ah amniga mandhiqadda.

Magaalada Berbera waxay dalka Yemen u jirtaa kaliya fogaan dhan 250 KM, waxaa ku socdo dekedda Berbera dhismo ay fulineyso dowladda Imaaraatka Carabta.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa markab weyn oo xambaarsan diyaaradaha dagaalka u soo dirtay xeebaha Somaliland iyadoo la xaqiijiyey in markabkaas uu ku soo xirtay dekedda magaalada Berbera.

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya ayaa heshiisyo caalami ah la saxiixatay dowlado kala duwan oo caalamka ka tirsan xili dowladda Muqdisho ay ku doodayso in Somaliland weli ay qayb ka tahay Soomaaliya.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here