Mid Ka Mid Ah Dhalinyaradii Mareykanka Laga Soo Tarxiilay Oo Arimo Cajiib Ah Ka Sheekeeyey

Waxaa Shalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo celiyey 50 qof oo laga soo qaaday dalka Maraykanka.

Dhalinyarada laga soo tarxiilay dalka Mareykanka ee 50-ta qof ah ayaa la sheegay in 30 ka mid ah lagu helay dambiyo waaeyn, halka 20-ka kale loo diidey codsiyadooda magangalyo doonimada.

Mid ka mid ah dhalinyarada la soo tarxiilay oo warbaainta la hadlay ayaa sheegay in 30 kun oo doolar($30,000) ay uga baxday tahriibka uu ku galay dalka Maraykanka. Arinta cajiibka ah ee meeshan ka muuqato ayaa ah Waalida haysato dadka Soomaalida qaarkood, sidee u tahriibaa qof haysto 30 kun dollar? Miyuusan ku ganacsan karin lacagtaas tirada badan?

Ninkan warbaahinta la hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dib loogu soo celiiyo dalka Soomaaliya isagoo eedeeyey danjiraha Soomaaliya u fadhiyo  dalka Maraykanka walow safiirka uu arintaasi dhowr jeer warbaahinta ka beeniyey.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here