Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Si Bareer Ah Muqdisho Ugu Dilay Nin Darawal Ka Ahaa Mooto Bajaaj

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa Maanta si bareer ah Wiil Mooto Bajaaj watay ugu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Askariga dilka geystay oo ku labisan Direyska Ciidanka Dowladda ayaa toogasho ku dilay Wiilkan watay Mooto Bajaajka xilli uu ku sugnaa nawaaxiga Suuqa Khudaarta ee Bakaaraha.

Waxaa goobta iskaga baxsaday Askarigii dilka geystay iyadoo aysan jirin cid isku dayday qabashada dambiilaha.

Dadka goobjoogayaasha ah ayaa ku waramaya in Meydka Wiilka la dilay uu waqti badan yaalay goobtii lagu dilay.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho xiliyada qaar dilal ugu geysta dadka shacabka ah ee ka xamaasho suuqyada magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here