Maamulka Jubbaland Oo Xilka Ka Qaaday Labo Xildhibaan Oo Baarlamaanka Jubbaland Ka Tirsanaa

Kulan maata uu yeeshey baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa xilkii xildhibaanimo looga qaaday labo xildhibaan oo lagu heley falal anshax xumo iyo dumin dawladnimada Jubbaland.

Waxaa kulanka xilka looga qaaday Xildhibaanadan kala ah Cabdiqaadir Ibraahim Cali iyo Maxamed cali Yuusuf.

Guddiga Anshaxa baarlamaanka ayaa golaha horkeeney qodobo dhawr ah oo lagu soo eedeeyey xildhibaanadan, waxaana ka mid ah maqnaansho badan, gudasho la’aan xilkii loo dhaariyey iyo waliba kicin dadweyne.

Kulankii maanta oo ay soo xaadireen 41 Xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamanka Mudane Cabdi Max’d C/raxmaan, waxaana ugu horeyn goobta ka hadlay xubno ka tirsan gudiga anshaxa baarlamanka oo soo bandhigay qodobada ay u cuskadeen xil-ka-qaadiska mudaneyaashan.

Xildhibaan Geelle Max’ed Aadan oo kamid ah gudiga Anshax Baarlamaanka Jubbland ayaa madasha ka aqriyay qodobo dhowr ah oo ay sheegeen in ay u cuskadeen xil-ka-qaadista.

Waxa ay sheegeen in labada mudane ay sameeyeen kulamo beeleedyo gooni gooni ah oo lagu abaabulayo sida ay hadalka u dhigeen falal la isaga horkeenayo bulshada deegaanka.

Waxa sidoo kale ay mudanayaashu ku eedeeyeen in ay si cad u sheegeen in ay ka baxeen baarlamanka, ayagoo dowladda iyo baarlamanka Jubaland ku eedeeyay in uu yahay mid fashil ah.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here