Dhageyso Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne Oo Digniin U Diray Kooxo Lacago Baad Ah Ka Qaato Shacabka Degmadaasi

Gudoomiyaha Xamarweyne Cumar Shariif Maye oo warbaahinta Radio Danan la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan olole nadaafadeed oo laga fulinaayo degmada faca-weyn ee Xamarweyne.

Gudoomiye Cumar Shariif ayaa digniin u diray dadka lacagaha Baadda ah ka qaato shacabka masaakiinta ah ee degmadaasi marka ay dhisanayaan guryahooda, waxa uuna shacabka degmada ka codsaday inay maamulka kusoo wargeliyaan markii ay arkaan kooxahan burcadda ah ee caado ka dhigtay inay boobaan hantida shacabka degmada Xamarweyne.

Hoos ka dhageyso codka gudoomiye Cumar Shariif

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here