Madaxweyne Farmaajo Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Mooshin Ay Abaabulayaan Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyey xafladii caleemo-saarka madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa markii ugu horeysey soo hadal qaaday mooshin la sheegey in qaar ka mid ah xildhibaanada ay abaabulayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegey in 2 sano iyo 4 sano midkooda ay aad u yar tahay in qof madax ah uu wax ku qaban karo , isla markaasina aanan loo baahnayn mooshinada lagala dabo wareegayo madaxda dowladda.

Xasiloonida siyaasadeed ee Dalka Jabuuti ayuu madaxweyne Farmaajo tusaale wanaagsan u soo qaatay isagoo sheegey in uu maalmo ka hor xariga ka soo jaray dekedda weyn ee Dooraleh oo ay ku baxday 400 milyan doolar, taasi oo 4 jeer ka weyn dekeda Xamar.

“Dekedaasi waxaa dhismaheedii dhagax dhigey Ra’isulwasaarihii hore ee Somalia Saacid Shirdoon, aniga ayaana hadda xariga ka soo jaray, mudadii ay dekedaasi dhismeysey dalka Soomaaliya waxaa soo maray 4 Ra’isulwasaare, dalka Jabuuti hal dowlad ayaa u jirtey intaas, waxana ay horumarkaasi ku gaareen xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markale waxa uu balanqaaday in uu la shaqaynayo maamul goboleedyada dalka isaga oo ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Galmudug in uu ka shaqeeyo dib u heshiisiinta iyo fulinta balanqaadyadii uu sameeyey ka hor doorashadiisa.

Mar uu ka hadlayay madaxweyne Farmaajo waxyaabihii uu kala soo kulmey safarkii Sucuudiga uu ku tagay ayuu sheegey in dawladda Sucuudiga ay usoo saxiixday lacag aanan xad lahayn, taasi oo lagu dhisayo waddooyinka, laguna dayactirayo dhismayaashii dawladda lahayd oo dalka oo dhan ku yaala, isaga oo farta ku fiiqey in maamul goboleed kasta uu ka faa’iideysan doono deeqaha dibada.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here