Nin Ka Tirsanaa Kooxda Alshabaab Oo Goordhow Lagu Toogtay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Nabad Suggida dowladda Federalka ayaa Suuqa Bakaaraha ku toogtay nin ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab oo dhibaato ku haayey ganacsatada Suuqa bakaaraha.

Goobjoogeyaal ku sugan Suuqa Daawada ee Bakaaraha ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamada ammaanka ay toogasho ku dileen dhagar qabahaan oo baadigoobaayey qof uu dilo.

Ninka la dilay oo aan la aqoonsanin heybtiisa ayaa ku hubeysnaa Bistoolad ay caan ku yihiin maleeshiyada Alshabaab.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here