Dhacdo Murugo Leh: Walaashay Iyo Caruurteeda Waxaa Masiibo Adduunyo Ku Sameeyay Ururka Al-Shabaab

28 may Walaashay igu hooyo ah Maano Maxamed ninkeeda ayaa waxaa dhagax ku dilay shabaab.waxaana sababta dhagax loogu dilay loo cuskaday markii Marxuum DHAAYOOW MAXAMED XASAN Qudba Sireed ama guur qarsoodi ah sameeyay taas oo shabaabka macsi ku sheegeen .

Marxuumka walaashay waxay u haysay caruur sidoo kalena xaas kale ayuu lahaa marxuumka.

Maanta Walaashay Maano oo caruurta hooyaday u yar waxay adduunka ku weysay ninkeeda sabab aan qiil loo haynin waxayna ka mid tahay dadka cadaalada ka sugayo inay maalin aragto kuwii ninkeeda sida qaladka ku dilay oo cadaalada la marsiinayo.

Hadaba xaaska 3 aad oo sababteeda loo dilay uur ayay u leedahay marxuumka.shabaablana waxay sheegeen in cunugaas marka uu dhasho Aabe u yahay marxuumka dhintay.

Hadaba diinta sidaas qabta waa yaab 3 xaas Marxuumka ka dhintay ilaahay sabir iyo iiman allaha siiyo

Guurka maanta si sharci ah u dhacay shabaabka waxay sheegeen inuu xaaran yahay guurka qarsooda hase yeeshe gabadha uu guursaday waxay maanta ka xun tahay falka lagu sameeyay ninkeeda.

Sawirkan waxaa la qaaday markii marxuumka dhegax lagu dilay ee laga soo saarayay godka.

Alshabaab Oo Nin Dhagax Ku dilay

W/Q: Nuradiin Macalin Mukhtar

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here