Ciidamada Dowladda Federalka Oo Xabsiga Godka Jilacow U Taxaabay Hogaamiye Kooxeed Diiday Inuu Hubka Dhigo

Waxaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka socday howlgallo lagu aruurinaayo hubka sharci darrada ah ee magaalada Muqdisho ay ku haystaan haraadiga hogaamiye kooxeedyadii maamuli jiray magaalada Muqdisho.

Habeenkii xaley, Ciidamo isku dhaf ah oo dowladda Federalka u xilsaartay Hub-ka-dhigista Muqdisho ayaa waxaa iyagoo howlgal ka wado agagaarka Sarta Seybiyaano ku rasaaseeyey maleeshiyaad ka amar qaato hogaamiye kooxeed lagu magacaabo Mahad Dollar.

Ciidamada howlgalka ku jiray ayaa si kulul iskaga caabiyey maleeshiyaadkii rasaasta ku soo furay isla markaasina soo qabqabtay qaar ka mid ah maleeshiyadaas iyo horjoogihii meesha ku haystay.

Waxay ciidamada dowladda ku guuleysteen inay soo qabtaan horjooge Mahad Dollar, waxayna u dhaadhiciyeen Xabsiga Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho halkaasoo hadda uu ku xiran yahay Mahad Dollar.

Horjooge Mahad Dollar oo ka soo jeedo gobolka Mudug ayaa maleeshiyad tiro badan ku haystay degmada Hodan ee gobolka Banaadir laga soo bilaabo xiligii dowladdii Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here