Xiriirka Dalalka Sudan Iyo Masar Oo Aad U Sii Xumaaday(Warbixin)

Maalmihii la soo dhaafay, Waxaa aad u sii xumaanaya xiriirka u dhaxeeya Sudan iyo Masar oo ah labo dal oo daris ah, labada dal waxaa weligood ka dhexeeyey xiriir taariikhda fog leh.

Muranka hadda ka dhex jira labada dal ayaa sii xoogeystay kadib markii dadka Masaarida ee baraha bulshada isticmaala ay sameeyeen sheekooyin majaajilo iyo maadsi ah kuwaasi oo lagu bahdilay dadka Suudaan.

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan AlBashiir oo u muuqday inuu Masaarida u jawaabayey ayaa warbaahinta marsiiyey hadal sidan u qornaa “Haddii Masar ay tahay hooyada adduunka, dalka Suudaanna waa Aabaha adduunka, sidaasi darteed waxaa la rabaa in haweenka ay ka dambeeyaan ragga”.

Wasiirka warfaafinta Suudaan Axmed Bilaal Cusmaan oo warbaahinta jawaab la hadlay ayaa sheegey in Suudaan ay tahay dalkii laga soo gaaray ilbaxnimada, wuxuu tusaale usoo qaatay Aayado Qur’aan ah oo taariikhda reer Fircoon ku asteeynaya goobta labada wabi ee Niilka ay isaga darmaan, halkaasi oo maanta ku taalo dalka Sudan gaar ahaan bartamaha magaalada Khartoum.

Dhanka kale, Arrinta waxay aad u sii xumaatay kadib markii labada dal midba uu qaaday talaabo uu ku xanuunjinaayo midka kale, tusaale ahaan dowladda Suudaan waxay mamnuucday in dalkeeda la soo geliyo qudaarta iyo ganacsi kale oo Masar ka yimaada, halka dowladda Masar ay kordhisey lacagta laga qaado dadka Sudan u dhashay ee degenaanshaha Masar dalbaday. Dalka Masar Waxaa ku nool 5 milyan oo qof oo reer Suudaan ah.

Waxaa aad u xumaaday xiriirka diblomaasiyaad ee labada dal iyadoo Wasiirka arrimaha dibada ee Suudaan uu baajiyey socdaal rasmi ah oo uu dalka Masar ku tagi lahaa.

Labada dal wuxuu midba midka kale ku eedeynayaa qodobada soo socdo:

1-Suudaan waxa ay Masar ku eedeyneysaa oo kale in ay hubeyneyso jabhadda ku kacsan ee ka dagaalanta Darfur, waxaana bishii hore lasoo bandhigey gaadiid jabhadda laga qabsaday oo Masar leedahay.

2- Masar waxay Suudaan ku eedeyneysaa in ay la safantahay dalka Itoobiya oo dhisanaysa mashruuca biyo xireenka guunka ah , kaasi oo la sheegey in boqolkiiba %25 uu yareyn doono socodka biyaha wabiga Niilka ee ay hesho Masar.

Dowladda Suudaan ayaa sidoo kale waxay soo cusbooneysiisey sheegashada Sedex Geesoodka Hudeyda, halkaasi oo ah dhul ku yaala Badda Cas oo labada dal ay ku muransanaayeen illaa sanadkii 1960-kii.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here