15 Diyaarad Oo Ay Leedahay Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways Ayaa Saacadihii La Dhaafay Martay Hawada Soomaaliya

Sida uu warbaahinta u xaqiijisay Sarkaal ka tirsan Laanta Saadaasha iyo Duulimaadka Hawada Soomaaliya, waxaa saacadihii la soo dhaafay hawada Soomaaliya soo martay 15 diyaarad oo ay iska leedahay shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways.

Sarkaalkan ka tirsan xafiiska laga maamulo Hawada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in maalintii 1 ama 2 diyaarad oo ka mid ah Qatar Airways ay mari jirtay Hawada Soomaaliya balse shaley uu kordhay duulimaadyadooda.

Sababta keentay in Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ay u soo weecato hawada Soomaaliya ayaa la sheegay inay timid kadib markii dalalka Khaliijka ay ka mamnuuceen Qatar Airways inay marto hawada dalalka Khaliijka.

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraatka, Bahrain(Baxreyn) iyo Masar ayaa dowladda Qatar u jaray xiriirkii diblomaasiyadeed kadib markii ay Qatar ku eedeeyeen inay taakuleyso argagaxisada, eedeymahan waxaa si adag u beeniyey dalka Qatar. Dalalka Khaliijka ayaa xuduudaha dhulka, Badaha iyo Hawadaba ka xirtay dalka Qatar oo ah dal hodon ku ah Shidaalka noocyadiisa kala duwan.

Madaxweynaha dalka Turkiga iyo Amiirka dalka Kuwayt ayaa dhexdhexaadin ka wado dalalka Khaleejka ee kala irdhoobey.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here