Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Maamulka Jubbaland

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqashadii ugu horeysey ku tagaya magaalada Kismaayo kadib markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu magaalada Kismaayo kula kulmayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiin kale , waxana ay ka wada hadlayaan arrimo dhawr ah oo ay ugu horeeyso hawlgalka ciidamada, qeybsiga kheyraadka iyo arrimaha siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa waxaa la geeyey guriga martida oo aad loo diyaariyey, waxaana aad loo adkeeyey ammaanka magaalada Kismaayo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here