Kulan U Dhexeeyo Wasaaradaha Arimaha Gudaha Maamul Goboleedyada Dalka Oo Ka Furmay Magaalda Jowhar(Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Jowhar ka furmay Kulanka Madasha Wadatashiga Wasaaradaha Arrimaha Gudaha maamul goboleedyada Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qayb galaayo dhammaan Wasiirada Arimaha Gudaha maamul goboleedyada 5-ta ee dalka ka jiro ee kala ah: Hirshabelle, Jubbaland, koofurgalbeed, Galmudug iyo Puntland. Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladda Federalka ayaa sidoo kale qayb ka ah kulanka dhexmaraayo Wasaaradaha Arimaha Gudaha maamul goboleedyada.

Madaxweyne kuxigeenka maamul goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa daahfuray kulanka isla markaasina magaalada Jowhar ku soo dhaweeyey xubnaha ka socdo Wasaaradaha Arimaha Gudaha Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa howlaha aasaasiga ah ee ay qabtaan Wasaaradaha arimaha Gudaha maamul goboleedyada dalka.

Hoos ka daawo sawirada kulanka.

 

Wasaaradaha Arimaha Gudaha MGoboleedyada Wasaaradaha Arimaha Gudaha MGoboleedyada0 Wasaaradaha Arimaha Gudaha MGoboleedyada1 Wasaaradaha Arimaha Gudaha MGoboleedyada2 Wasaaradaha Arimaha Gudaha MGoboleedyada3 Wasaaradaha Arimaha Gudaha MGoboleedyada4 Wasaaradaha Arimaha Gudaha MGoboleedyada5

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here